Xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame ,oo ka hadlay dagaalka,ka socda G,hiiraan


Kadib markii labadii Maalin ee la soo dhaafay dagaal Beeleed uu ka dhacayay Gobolka Hiiraan , kaasi oo salka ku haya Maamul u sameynta Gobolkaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dagaalkaasi ay ku dhinteen 10 Ruux halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda mid ka mid ah Beelihii ay dirirtu ku dhexmartay G.Hiiraan oo u waramay,idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay ka xun yihiin dagaal beeleedyadaasi dhiiga fara badan uu ku daatay , isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo soo afjaro.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in Mar weliba oo dagaal uu ku soo noq noqdo Gobolka Hiiraan , waxaana uu sheegay in Maamul u sameynta Gobolka Hiiraan loo baahan yahay in loo daayo Odayaasha dhaqanka Gobolkaasi, lagana daayo siyaasadda , si go’aanka ay soo gaaraan loo horkeeno Baarlamaanka oo Wakiil ka ah Shacabka iyo dowladda.

Si kastaba Hadalka Xildhibaan Sooyaan Cabdi Warsame ayaa waxa uu imaanayaa Xilli Gobolka Hiiraan ay ka taagan tahay dagaal beeleed salka ku haya Maamul u sameynta Gobolkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>